aftahan4

Sakariye Axmad Maxamed Muuse

Author @ Aftahan

Sakariye Axmad Maxamed Muuse waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 24/09/1990 waxa uu kabaxay schoolka imaam Nawawi Boosaso. waxa uu shahaadada bajilaarta ku diyaariyay Sharia & Law. Waxa uu hadda wadaa Bachelor of Public Relations. Wuxuu 2008 qaatay diplom of IT. Wuxuu 2010 qaatay diplom of public health. Waxa uu muddo 4 sano ahaa macalin wax ka dhiga qaybo kamid ah iskuulada Boosaso. Waxa uu ka shaqeeya arimaha bulshada. Waa madaxa xafiiska xuquuqul insaanka hay’adda maxaliga ah ee HADO. Waxa uu ka id yahay qorayaasha da’da yar waxaana kamid ah buugta uu qoray

1. Buugga AFTAHAN oo ah buug ka hadlaya qaabka loo diyaaryo loona jeediyo khudbadaha
2. Tusaha khayraadka dalka qaybtiisa 1aad : (xijiga) waa cilmi baaris uu qoraagu kusameeyay geedka xijiga oo kamid ah wax soosaarka ay Soomalidu dibada u dhoofiso ( madaabacna)
3. Dhalinyaro hormuuda ( qaabka ay dhalinyaradu ku noqon lahaayeen hogaamiyaal tayo leh ) wuu daabacan yahay laakiin wali lama daah furin (Qaahira ayaa lagu daabacay waana laga soo gaarsiin waayay bandhigga Garoowe )
4. Barbaarinta wanaagsan ee ubadka  ( qaabkii ubadkeenna aan ugu diyaarin lahayn bulsho wax tar leh ) wuu daabacan yahay laakiin wali lama daah furin (qaahira ayaa lagu daabacay waana laga soo gaarsiin waayay bandhigga garoowe )
5. Xoriyadda gudbinta aragtida ( wuu daabacan yahay laakiin wali lama daah furin (qaahira ayaa lagu daabacay waana laga soo gaarsiin waayayBandhigga Garoowe )