13823209_1134370266609440_158791512_n

Osman Hassan Du’aale

@

Magaca Qoraagu waa Osman Hassan Dualewaxaana ku Magac dheerahay (Eng. Dheeg).  Waxaan ku dhashay kuna barnaarey waxna ku bartay  Magaala Madaxda Gobolka Awdal Ee Borama. Dugsigiisii hoose waxanku qaatay Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Aloog (Ee hada loo yaqaan Muuse Hussien Hodoon). Dugsigiisii Sare waxan uu ku qaatay Sadexdii Kalaas ee Hore Dugsiga Sare Ee Sh.Cali Jawhar Secondary School, Laakiin Nasiib Wanaag Sanadkii Saddexaad Dhamaadkiisii Ayaan u wareegay Dugsiga Sare Ee Al-Aqsa Secondary School, halkaas oo aan ku dhamaystay Fasalkiisii Afaraad Ee Form Four (2009).

Waxaa Bilaabay Barashada Englishka Markuu sanadku ahaa 2004. Waxaana English ka bilaabay Private la yidhaahdo Tawakal Institute of Languages. Ka dib markii aan ka qalin-jabiyay Tawakal Institute 2008 Dabayaaqadiisii, waxaa Noqday Macalin wax ka dhiga Private si aan  ardayda wax ugu Faa’ideeyo.

Waxa aan Jaamacada Camuud (AMOUD UNIVERSITY) galay 2010. Waxa aan Qaatay amaba doortay Kuliyada Ganacsiga Gaar ahaan Qaybta Xisaabaadka iyo Maamulka (Accounting & Management). Markii aan ahaa Fasalka Labaad Ee Jaamacada Camuud (Sophomore), Ayaan ku biiray Jaamacada Eelo (EELO UNIVERSITY), Halkaas oo aan ka  bilaabay Kuliyada Farsamada Casriga ah ee (Computer Science). Waxaana kala dhigan jiray labaddan Jaamacadood Ee Dalka (Borama) Xiliyada Habeenkii iyo Maalintiiisayadoo waliba shaqooyenka gaarka ah wata. Waxaanan noqday Ardaygii ugu horeeyey ee Laba Degree isku wada si isku mid ah.

Waxa  nasiib u yeeshay inaa noqdo Ardayda Faro ku tiriska ah Ee haysta (Double Bachelor Degree) haddaaban ahayn kii ugu horeeyay ee wada dhammeeya laba jaamacadood oo dalka ah. Sidoo kale waxaan  noqday  Ardaygii ugu sareeyey Ee Jaamacada Eelo. Halkaas oo keenayGPA ah ama isku celceliska Xisaabeed ee Imitixaanada Jaamacada, oo aheyd 3.94, waxadhimay kaliya 0.06, Waxaa aan ahaa  Dufcaddii 5aad ee Jaamacadda ka qalin-jabbisa .

Hadda  waxaan ahay Madaxa guud  (General Manager) ee ugu sareeya  Urur Caalami ah oo Bixiya Tababaro waxaana la yidhaahdaa WORKPLACE PROFESSIONAL TRAINING INSTITUTE (WPTI) . Sidoo kalena waxa aan Macalin ka ahay(Lecturer) Jaamacaddaha ADDIS UNIVERSITY, ALPHA UNVERSITY IYO Burao Pre-University. Sidoo kalena waxaan ahay Hormoodka  (DEAN) Kuliyada Farsamada Casriga ah (Computer Science) Ee Jaamacada Alpha University.

Waxan Qoray todoba  (7) Buug kuwaas oo dhamaantood ku qoran Luuqada English ka (English Language).In kastoo  aan  hadda soo wado Kuwa ku qoran Luuqada Soomaliga (ISHA ALLAH).

Magacyada Buugaagteydu waa kuwan hoos ku qoran:

  1. Ku Noolow Noloshaada Guul Iyo Farxad (Live your Life With Success and Happiness) 18/08/2009
  2. 250 Wisdoms) (250 Xigmadood
  3. In badan Akhri, In badana Hel (Read More and Gain More)
  4. Naftaada ku Qurxi Luqada Englishka (Blooming Your Life with English)
  5. Geesigii Hormarka (Hero Of Development), Buuganna Waxa aan ugu Talogeley Madexweynaha Djibouti Mudane Ismail Omer Guelleh 25/11/2015.

Ku dhawaad 15 Maqaalo ahna waan qoray oo ku daabacan jaamacadaha iyo websiteska